Xoogagga Ciidamada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee aagga hore difaaca kaga jira ayaa maanta weerar lixaad leh ku qaadey koox Khawaarij ah oo lagu arkey meel u dhaw Magaalada Galqoryaale ee Gobalka Galguduud.
Khawaarijtaan oo wadatey 3gaari oo tikniko ah ayaa markii ay Ciidamada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ka war-heleen isla markiiba weerar kulul oo saddex geesood ah ku qaaday Khawaarijta, taasoo keentey in ay Khawaarijtu si hal-haleel ah cagaha wax uga dayaan.
Sida ay xaqiijiyeen wararka ka imaanaya daafta hore ee magaalada Gal-qoryaale, waxay ciidamada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ku so af-jareen dagaalkaas mudo yar, ka dib markii ay Khawaarijtaas u isticmaaleen awood Milateri oo ay babac-dhigiwayeen.
Waxay ciidamada Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca weerarkaas kaga soo qaadeen Khawaarijta saddex meelood oo kala duwan, taasoo keentey in isla markiiba la waayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Lama oga ilaa iyo imminka Khawaasaraha dhabta ah ee soo gaarey Khawaarijta, hase yeeshee Ciidamada Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa weli ku raad jooga Khawaarijta.
Wixii faah-faahin ah oo intaas dheer kala soco wararka yaga dambe.
Xafiiska War-qabka Ee Mustaqiim.com
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
Tags:
Share
-
▶ Reply to This