Culimada Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa soo-saarey baaq dheer oo ay uga hadleen xaalladda Gurracan ee ay Soomaaliya ku jirto hadda.
Baaqaan ay Culimadu soo-saareen ayaa waxay kaga hadleen xaalladda Colaadeed ee aan dhammaadka lahayn ee waddanka Soomaaliya maalinba maalinta ka dambeysa sii galayo.
Waxay Culimadu baaqooda ku sheegeen in dagaallo sokeeye ay horey u galaafteen kumaan kun oo Soomaaliyeed haddana maalin walba ay galaafanayaan kumaan kale, taasoo haddii aan xal loo helin galaafan doonta kumaan kun oo Soomaaliyeed oo kale.
Waxay Culimadu sheegeen in dagaalladaas inta ay galaafteen mooyeene intii soo hartey Shacabka ka barakicisey deegaanada ay daganaayeen, oo ay galiyeen Qax, barakac taasoo sababtey in ay dad badan maanta hooy iyo Cunaba la’yihiin, kuwaas oo laga barakiciyey halkii ay daganaayeen.
Waxay Culimadu cambaareeyeen dhammaan dagaalladaas iyo dadka wada ee aan ka daalayn in ay Shacabka Soomaaliyeed ka dhigaan kuwo ay laayaan iyo kuwo ay barakiciyaan.
Waxay si gaar ah Culimadu Bayaankooda ugu Cambaareeyeen Ururada Soomaaliya ku cusub ee Magaca Diimeed huwan ee aan arxanka lahayn ee lagu kala Magacaabo Al-shabaab iyo Xizbul Islaam, waxay kaloo Culimadu Cambaareeyeen Kooxda kale ee Shariif oo iyaguna dhakooda ka sheegta in ay Diin u dagaalamayaan.
Waxay kaloo Culimadu si gaar ah u cambaareeyeen Ciidama Afrikaanka ah ee loo keeney in ay iyaguna geestooda Shacabka ka laayaan. Waxay Culimadu sheegeen in ciidamadaan ay Shacabka Dhibaatooyin ba’an ku hayaan, oo xitaa kufsadaan Gabdhaha Soomaaliyeed.
Baaqaan ayaa aakhirkii waxay Culimadu u soo jeediyeen dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay Dulqaataan Ilaahayna Baryaan si uu uga dulqaado Musiibooyinkaan ku habsadey oo sannadba sannadka ka dambeeya si ballaaranaya.
Baaqaan oo ay Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca soo-saartey aya waxaa ku saxiixnaa Afhayeenka Guud ee Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca, Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan (Abuu Yuusuf).
Xafiiska War-qabka Ee Mustaqiim.com
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
Tags:
Share
-
▶ Reply to This