Khaliif C/laahi Xaaji Oo Ka Warbixiyey Waxqabadkii Wacnaa Ee Macallin Nuur
Cape Town Tuesday 3 November 2009 SMC
Khaliif C/laahi Xaaji Xasan (Shaati Cadde), oo ka mid ah Culumaa’udiinka Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca eek u nool wadanka Koonfur Africa, ayaa ka warbixiyey waxqabadka ALLAHA u Naxariistee Macalin Nuur Maxamed Siyaad.
Isagoo ka hadlayey Wanaagii iyo Waxqabadkii hagar la’aaneed ee uu caanka ku ahaa EEBE (SW) ha u naxariistee Macalin Nuur Maxamed Siyaad, ayaa Khaliif C/laahi waxa uu sheegay in Sheekha si weyn loogu xasuusto dhismaha iyo hirgelinta ku Dhawaad Kun iyo Shan Boqol oo Dugsi Qur’aan iyo Masaajido *BAYTU-LLAAH* oo aad u fara badan.
Waxqabadka Macalinka waxaa sidoo kale ka mid ahaa in uu sameeyey in ka badan Boqol Boos ama goobood oo Waqaf ah, kuwaasi oo loogu talagalay barashada Diinta Islaamka, sida uu sheegay Khaliif Shaati Cadde.
Intaa oo kaliya kuma koobna ee waxaa kale oo Macalin Nuur ALLAHA u naxariistee uu hirgeliyey Ceelel iyo Baraago Biyo laga cabo oo laga yagleeley qaar ka mid ah Gobalada dalka Somalia.
U kala dab-qaadida iyo deminta colaadaha ka dhex oogan beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale lagu xasuustaa Macalin Nuur Maxamed Siyaad ALLAHA u naxariistee, iyagoo geeridiisa ay si aad ah uga naxeen dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Dhinaca kale Khaliif C/laahi Xaaji Xasan (Shaati Cadde), oo ka mid ah Culumaa’udiinka Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca eek u nool wadanka Koonfur Africa, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin war si khaldan *Type Error* loogu daabacay Website-yada qaar ee Soomaaliyeed, kaasi oo lagu sheegay in Khaliifka uu shaaciyey Saddex Boqol oo Dugsi oo keliya halalkaasi oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay isagana aanu dhihin, balse ay Kun iyo Boqolaal gaarayaan Dugsiyada Qur’aanka Kariimka lagu barto ee uu aas-aaskooda lahaa Macalin Nuur Maxamed Siyaad EEBBE naxariistee janno haka waraabiyee.
ALLAHA u Naxariistee Macalin Nuur Maxamed Siyaad, oo ka mid ahaa Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ugu caansan dalka Somalia, ayaa dhawaan ku geeriyooday Caasimadda Kenya ee Nairobi, isagoo aas-heer Qaran ah loogu sameeyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Somalia.
C/risaaq C/laahi Maxamed
Indhojaceel2003@hotmail.com
Tags:
Share
-
▶ Reply to This